26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Somaliland oo xiriirka u jartay Qatar iyo dadaalkii Cumar Cabdi Rashiid oo hirgalay

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimadda Online) – maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Qatar oo maalmihii dambe ay cadaadis siyaasadeed ku hayeen dowladaha ugu tunka weyn Khaliijka.

Golaha wasiirada ee maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Qatar iyagoo tixgelinayo cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, Dhaqaale iyo siyaasi ee kala dhaxeeya wadamada Khaliijka sida ay warka u dhigeen.

Caasimadda Online ayaa horey idinla wadaagtay warbixin ku saabsaneyd in Ra,isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu wado dadaal ku aadan Sidii Somaliland ay xiriirka ugu jari laheyd Qatar maadaama uu Imaaraadka dalaal uga ahaa heshiiskii saldhigga Militari ee Berrbera.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Somaliland.

Halkaan ka akhriso warbixintii ay Caasimadda Online ka qortay Cumar Cabdirashiid ee aheyd inuu ka shaqeenayo sidii ay Somaliland xiriirka ugu jari laheyd dalka Qatar

Xog: CC Sharmaarke oo xalay kulan xasaasi ah ku qabtay Dubai iyo qorshe cusub oo socda

- Advertisement -

Read more

Local News