Somaliland: Shirkadda DP World oo culays dhaqaale dusha u saartay shacabka iyada oo sii hurisey…

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkadda DP WORLD ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera ayaa culays dhaqaale dusha u saartay shacabka ku nool Somaliland, kadib markii ay ku dhawaaqday inay hirgelin doonto isbedel ay ku samaysay qiimaha sarifka ee ay wakhtigan shirkadu isticmaasho.

DP WORLD ayaa Warqad wargelin ah u dirtey ganacsatada macaamiisha u ah ee dekedda Berbera alaabaha kala soo degta, taasi uu ugudbiyay madaxa maaliyadda ee DP WORLD Raghu Pillai, kuna sheegay in DP WORLD fulinayso wareegto ay hore u soo saartay 3-January oo ku saabsaneyd is waafajina qiimaha sarifka.

Warqadda DP WORLD oo nuqul ka mid ah aanu helnay ayaa udhignayd sida tan:

“Annaga oo tixraaceyna wareegtadii hore ee ku taariikhaysnayd 3-January-2019 ee khusaysay is waafajinta qiimaha sarifka, shirkadda DP WORLD Berbera waxay g’’aamisay inay fuliso wejiyada nidaamka is waafajinta qiimaha sarifka iyo inay iyadu isu qabto khasaaraha ka soo gaadha qiime dhaca sarifka ilaa inta la gaadhayo goorta lagu heshiiyay ku dhaqanka qiimaha sarifka. Shirkadda DP world waxay u qaadatay go’aankaasi isaga ah si ay ugu fududayso ama uga gacan siiso ganacsatada Somaliland sidii ay isugu diyaariyaan oo ayna uga gaashaantaan isbedelada la filayo inay ka dhashaan dhaqan gelinta is waafajinta qiimaha sarrifka oo ay muddo dhaaftay mudadii ay ahayd inuu dhaqan galo.”

“Qiimeyaasha sarrifka ee xilli xaadirkan la isticmaalo waxay isbedeli doonaan 12 March 2019 waxaanay noqon doonaan sidan hoos ku xusan: 1USD = 8,500 SLSH.”

“Dib u dhigida fulinta ku dhaqanka is waafajinta qiimaha sarrifku wuxuu ina tusayaa lexejeclada shirkadda DP world u hayso bulshada deegaanka iyo guud ahaanba bulshada Somaliland. Mar labaad waxaanu dhammaantiin idiinka mahadcelinaynaa taageeradii iyo dhiirigelinta sida qalbiga furan aad noo siiseen.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Isbedelka ay DP WORLD ku samaynayso sarifka ayaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa lacagaha ay DP WORLD ka qaado shixnadaha ay ganacsatadu kala soo degaan dekedda Berbera, waxaanay talaabadani saamayn ku yeelanaysaa suuqyada Somaliland, iyadoo ay ganacsatadu lacagtaas ku korodhay dulsaari doonaan shacabka.

Tusaale: halka Koontiinar ee ah 20ft waxa hore looga qaadi jiray 2-milyan iyo lix boqol iyo sideed iyo tobaatan lacagta Somaliland ah, haddase isbedelkani wuxuu ka dhigayaa in laga qaado3-milyan iyo sagaal boqol.

Koontiinarka 40ft ah waxa isna hore looga qaadi jiray 4-milyan iyo lix iyo sideetan lacagta Somaliland ah, imikana wuxuu noqonayaa 5-milyan iyo lix boqol oo kun.

Ganacsatada Somaliland ayaa iyaguna talaabadan DP WORLD u arka culays weyn oo aaney shacabka & dalkuba iska xajin Karin oo ay DP WORLD kula dul kuftay.

Geesta kale Shacabka Somaliland oo markii horeba la daala-dhaceyay sixir-barar iyo qiimaha maciishada oo sarre ukacday, ayaa waxa uu go’aankan DP WORLD sii hurin doona jahwareerka dhaqaale ee ka taagan gudaha Somaliland, taasi oo culeys dhaqaale oo adagi wajahi doonaan shacabku.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com