Somaliland: Socdaalka Wasiirka qorsheynta Soomaaliya ee Sanaag wuxuu keeni karaa iska hor imaad

Hargeysa (Caasimadda Online) – Somaliland ayaa waxay xad-gudub ku tilmaantay socdaalkii uu shalay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ku tagay wasiirka qorsheynta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in socdaalka wasiirka uu qalqal gelinayo xiriirka ay Labada dhinac, isaga oo dhanka kale sheegay iney ku dambeyn doonto iska hor imaad waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wallaahay runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona” ayuu yiri wasiir Sacad.

Wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com