Somaliland ‘waxaa haysta musiibo dhuleed baahsan’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in muranka iyo khilaafaadka la xidhiidha arrimaha dhulku uu yahay masiibo haysata dhamaan dalka oo dhan.
“Hal caqabad ah ayaa jirta oo waa khilaafaadka ka dhasha arrimaha dhulka oo sida la ogyahayna dhulku waa masiibo haysata waddanka oo dhan. Waayo dhulkan la isku haysto waa dhulkii qaranku lahaa oo dhulkii qaranka ayey dadku wada boobeen markii uu qarankii talax-gabay ee uu itaalkiisii yaraaday, kadibna iyagii (dadweynaha) ayaa isku haysta, markaa masiibada waddanka oo dhan wada haysataa waa muranka arrimaha dhulka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu ka warbixiyey ujeedada kulan uu la qaatey Booliska iyo bahda Garsoorka, wuxuuna yidhi: “Ujeedada ugu weyn ee kulankan waa in hay’adaha amniga, caddaaladda iyo garsoorka ee aannu madaxda u nahay ama waaxda aannu ka tirsannahay, iyadoo uu qaranku u kala qaybsan yahay waaxyo kala duwan, waxa weeyaan in aannu la fadhiisano, dhegaysanno iyo in marka ay ugu yartahay u mahadnaqno, waayo shaqo culus oo runtii ay duruuf adag ku shaqaynayaan ayey hayaan. Waxa kaloo aan tilmaamayaa in boolisku ay iyagu fuliyaan xukunnada ka soo baxa Maxkamadaha, waana hay’adda wax fulisa, markaa waxa aannu ognahay in si fiican ay u socoto.”
Geesta kale Guddoomiyuhu wuxuu kula taliyey Ciidanka Booliska inay dambiyada fudud ku dhex xaliyaan saldhigyada, si culayska looga yareeyo xarumaha garsoorka iyo jeelasha Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com