Wafdiga wasiir Sabriye oo gaaray Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray wasiirka arriamaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana uu warbaahinta u sheegay inay magaalada Dhuusomareeb u tagayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiir sabriye ayaa magaalada Dhuusomareeb kula kulmaya madaxweynaha Galmudug, madaxa xukuumadda Galmudug iyo guddoomiyaha Ahlu sunna Waljamaaca, waxaana kadib la filayaa in kulamadooda kasoo baxaan heshiis dhexmara labada dhinac.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Galmudug, iyadoo kadib loo galbiyay madaxtooyada Galmudug.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u dhaxeeyay khilaaf soo jiitamayay tan iyo markii la doortay madaxweyne Xaaf.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo bisha todobaad ee sanadkaan, halka madaxda Galmudug ay sheegeen in doorashada aysan dhaceyn ilaa laga gaaro dhamaadka waqtiga la doortay madaxweyne Xaaf.

Waxaana la ogeyn sida labada dhinac ay isku fahmi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com