‘Somaliland waxay la daala-dhaceysaa raad xun oo ka dhashay doorashadii 2017’

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ahna Siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa shaaciyey in Somaliland ay la daalo dhaceyso raad xun oo ka dhashay doorashadii Madaxtinimada ee 2017-kii.

Siyaasi Maxamed Duur ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyey sidii looga soo kaban lahaa raadkaasi xun ee ka dhashay doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha hada talada Somaliland haya ee Muuse Biixi.

Siyaasi Duur ayaa xusay in lagu colaadiyay dadaaladaasi uu ugu jiray raadka xun ee ay ka tagtay doorashadaasi, isla markaana uu ku muteystay dagaal iyo culeysyo badan oo dhanka xukuumada iyo mucaaridka ahba.

Duur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu dhowr jeer ugu tagay sidii loo booyo-dhayi lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadaasi, wuxuuna yiri “Raad badan oo Doorashadii ka tagtay Dawo u raadinteedii Culays badan, Colaad badan iyo dagaal badan ayaan ku mutaystay”.

“Laakiin waxaan ku faraxsanahay inaynu Maanta Nabad ku joogno, markaa Albaabka Madaxweynuhu sidii Oday Somaliland ah ayuu iigu furan yahay, Aniguna waxaan la tagaa wax wax ka taraya ama inoo dhisaya Dalkeena”.

Somaliland ayaa wajahday culeyso badan oo horseedi gaadhay amni daro baahsan, kadib doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Muuse Biixi, midaasi oo Mucaaridku sheegay in loo maray sifo baal-marsan sharciga, isla markaana ay dhacday wax is-daba marin badan.