Somaliland: Xildhibaan deegaan oo isu casishay u ololeyta midnimada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Fihiima Yuusuf Quunje oo ka tirsaneyd xildhibaanada golaha deegaanka Somaliland, gaar ahaan degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xilkii iska casishay.

Xildhibaanada ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay inay iska casishay xilkaasi, iyadoona daboolka ka qaaday inay uga tagtay kursigaasi arrimo la xidhiidha midnimada umadda Soomaaliyeed.

Fihiima ayaa sheegtay inay hadda kadib ay kaalin weyn ka qaadan doonto u ololeynta midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka tanaasushay fikirkeedii gooni isku taaga ahaa ee ay weli aqoonsiga ku raadineyso Somaliland.

“Waxaan go’aansaday in aan baneeyo xubintii hoos imaneysay maamulka Somaliland, una ololeeyo midnimada Soomaaliyeed oo aan mar-walba aan ku hadlo dareenka Shacabka iyo waxa ay doonayaan” ayey tiri Fihiima Yuusuf Quunje.

Xildhibaan Fihiima ayaa muddo sideed sanno ah ka tirsaneyd golahaasi, waxaana lagu tirayaa inay aheyd xildhibaankii ugu codka badnaa ee xiligii doorashdii Xildhibaanada Laascaanood.