Soomaali ‘dooneysay inay isku qarxiyaan’ Aqalka Cad oo lagu xiray Mareykanka

Tucson (Caasimada Online) – Laba nin oo qaxooti Soomaaliya ka yimid ah ayaa lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaga isku diyaarinaya inay raacaan diyaarad u qaadi lahayd Masar, si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Mas’uuliyiinta federaalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in labada nin la xiray Jimcihii kadib bilo ay wadeen qorshooyin halis ah oo ay la-wadaageen qof saaxiib la ah balse si qarsoodi ah uga tirsanaa FBI-da.

Labada nin ee Soomaalida ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ahmed Mahad Mohamed oo 21 jir ah, iyo Abdi Yemani Hussein oo 20 jir ah. Ahmed ayaa haystay degenaanshaha Mareykanka ee Green Card, halka Abdi uu haa qaxooti.

Abdi Yemeni Hussein oo isku magacaabay Abu Jihad ayaa waxaa qorshihiisa ka mid ahaa inuu qarxiyo Aqalka Cad ee Mareykanka, sida laga soo xigtay halka Ahmed uu sheegay inay doonayeen inay noqdaan labada nin ee loogu doonista badan yahay argagixisada dunida. Ahmed wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayey inuu noqdo “midka qoorta ka gooya dadka.”

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in labada nin ay xogtooda heleen bishii August ee 2018 markaasi oo Ahmed uu xiriir la sameeyey shaqaale si hoose uga tirsan FBI-da oo ay ku kulmeen Online, una sheegay inuu diyaar u yahay inuu jihaad aado. Wuxuu sidoo kale sheegay in qoyskiisa ay taas raali ka yihiin.

Waxay dejiyeen sheeko been oo ah inay xaflad aroos uga qeyb-galayaan dalka Masar, balse qorshahoodu ahaa inay ku biiraan kooxda Daacish ee Bariga Dhexe. Waxaa lagu xiray albaabka diyaaradda markii ay garoonka diyaaradaha yimaadeen.

Waxaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwado ku saabsan inay taageero agab siinayeen urur argagixiso oo caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com