Soomaali ka tirsanaa shirkada DAHABSHIIL oo la la’aa oo meydkiisa laga helay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Meydka Bashiir Warsame Cabdulle oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda Dahabshil Group ayaa maanta laga helay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Illaaa iyo hadda ma cadda sababta dhimashada Bashiir iyo cidda ku lugta leh intaba. Mas’uuliyiinta Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan. 

Markii ugu dambeysay ayaa Bashiir wuxuu gurigiisa ka tegay Talaadadii, isaga oo aaday Masjid ku yaalla xaafadda Islii, balse sooma noqon, sida ay sheegeen qoyskiisa. 

Qoyska ayaa xilligaas sheegay inaysan garaneyn sababta loo waayey Bahsiir, oo ahaa nin ka dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii.

Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo horey ay u jireen Soomaali dhowr ah oo lagu waayey magaalada Nairobi, inkasta oo bilihii dhowaa ay yaraadeen kiisaska noocan ah. 

Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa bishii September laga afduubtay Nairobi, waxaana la haystay toddobaad kahor inta aan lasii dayn, ayada oo weli aysan caddeyn sababta loo afduubtay iyo cidda afduubatay.

Waxaa sidoo kale ka horreeyey afduubka Xafsa Luqmaan oo ah gabar Soomaali ah, taasi oo kiiskeeda uu markii lasoo daayey kadib lugaha la galay gabar ay saaxiibo ahaayeen. 

Waxaa sidoo kale jiray 24-kii May 2021 la helay meydka Bashiir Maxamed Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali ah oo maalmo la la’aa. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km.