Soomaalida Minnesota iyo R/W cusub

Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaa dhawaan loo magacaabay ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo bedalaya ra’isal wasaarihii ugu horreeyey ee xilka qabta tan iyo markii Soomaaliya ay kumeel-gaarnimada ka baxday Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Magacaabista ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee xilka la wareegay ayaa waxaa laga soo dhaweeyey meelo badan oo gudaha dalka iyo dibaddaba ah, waxaana meelaha sida weyn looga soo dhaweeyey ka mid ah gobolka Minnesota oo ay ku dhaqan tahay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool.

Munaasibad si weyn qaban-qaabadeeda looga dareemayo guud ahaan deegaanada iyo xaafaddaha ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa afarta bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2014-ka oo ku beegan sabtiga soo socda waxaa lagu qaban doonaa xarunta shirarka ee gobolka “Convention center”.

Madasha ayaa waxaa soo xaadiri-doona guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee gobolka ku dhaqan oo la filayo in goobtaaasi soo buux dhaafin doonaan iyagoo xiran hidaha iyo dhaqanka iyo waliba maryo loo ekaysiiyey calanka Soomaaliyeed ee buulugga ah.

Marka laga yimaado hambalyeynta, dardaaranka iyo hadallada siyaasadeed ee ku wajahan ra’isal wasaaraha cusub iyo mas’uuliyadda uu qabanayo, waxaa sidoo kale xafladu ay yeelan doontaa xiiso gaar ah, iyadoona ay wacdaro suugaaneed ku bandhigi-doonaan qaar badan oo ka mid ah fanaaniintii qaranka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Axmed Cali Cigaal, Cabdi Shire Jaamac “Jooqle” iyo kuwo da’da yar ee reer Minnesota.

“Reer Minnesota, waxaan ku wargelinayaa in ay nagu soo socoto munaasibad qaran oo aad u balaaran, waxaana leeyahay yaanan u kala harin ayididda iyo soo dhaweynta ra’isal wasaaraheena cusub Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed..maadaama reer Minnesota ay ahaayeen waligoodba dad kaalin muuqata ku leh isbeddal waliba oo dhinaca wanaagsan loo qaaday oo ku saabsan dalkeena hooyo ee Soomaaliya..hadaba yaanan u kala maqnaan habeen soo dhaweyn iyo fantasyo 4 January iyo Convention Center,” sidaasi waxaa dad weynaha kala dardaarmay Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebene oo xubin ka ah guddiga qaban-qaabada munaasibaddaan.

Maxamed Faarax Talyaani
Minneapolis, Minnesota
mtalyani@gmail.com