Dab xoogan oo ka kacay dalka Kenya

Dadhaaab (Caasimada Online) Dab xooggan oo khasaaro lixaad leh oo baabi’iyay hanti badan ayaa habeenkii xaley ka kacay suuq ku yaalla xerada qoxootiga Ifo ee gobalka waqooyi-bari Kenya.

Dabka ayaa billaawday siddeed saac habeenimo,xilligaas oo ay dadka inta badan ay hurdayeen, waxaana la sheegay in uu dhowr saac uu socday.

Qaar ka mid ah dadkii tagay goobta ayaa sheegay in dhammaan wixii hanti taalay suuqa ay baaba’een, waxaana ay intaas ku dareen in ay waayeen wax gurmad ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco suuq ku yaalla xerada IFO, waana markii labaad oo sannadkan uu dab ka kaco halkaas.

Ma cadda wax yaabaha sababa dabka soo laab laabta ee ka kaca suuqa IFO oo ka mid suuqyada ugu camiran gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com