Caruur mucjiso ah oo dhashay + Sawir

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu sheegay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, waxaa isbitaalkaas ku dhashay labo carruur ah oo mid ka mid ah uusan lahayn madax, taasoo ah markii ugu horreysay oo takhaatiirta la kulmeen arrintaas.

Ilmahan yer ayaa ku dhashay meyd waxaana ay kala ahaayeen wiil iyo gabar sida ay noo sheegtay gabar ka mid ah gabdhaha kalkaaliyaasha ka ah Ibitaalka.

Hooyada dhashay ilmaha mataanaha ee meydka ayaa sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, waxaana ay muujisay in wax kasta ay ku dhacaan qaddar alle.

Mararka qaar dhulalka Soomaalida waxaa lagu arkaa arrimo mucjiso ah, balse allaha awooda leh ayaa wax kasta og, waxaana muslimiinta laga rabaa in ay ku sabraan.

Halkan hoose ka daawo sawirka carruurta mataanaha ee mid uu madaxa ka maqan yahay.

340

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com