Nabaddoon Garyare oo ka hadlay dilkii ganacsade Shuuke & xiisadda C/Waaq

Xiisado cabsi  dagaal leh ayaa caawa ka taagan dhamaan deegaanada ay wada degaan dad walaalo ah oo maanta dad iska dilay kadib markii maleeshiyo jidgooyo u taalay ay dileen ganacsade caan ka ahaa gobolada dhexe gaar ahaan  CABUDWAAQ.

Nabadoon Ibrahim Garyare oo ka mid ah nabadoonada Celi oo maanta yimid Cabudwaaq kadib geerida Shuuke Cagarog ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay dilalka noocan oo kale ah. Isagoona si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Shuuke oo maanta gelinkii danbe lagu aasay tuulada Dalsan oo uu isaga wax ka dhisay.

“Waa wax laga naxo geerida ganacsade Shuuke waxaana geystay mooryaan aan nabada ummada rabin” ayuu yiri Nabadoon Ibrahim Garyare oo la hadlayey warbaahinta k24.

Nabaddoon Ibraahim Garyare
Nabaddoon Ibraahim Garyare

Dhinaca kale waxaa uu ayaan-darro kale ku tilmaamay dilalka kale ee ka danbeeyey dhimashada Shuuke.  Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wadahadal ee aan loo baahneyn dagaal sokeeye in maanta la galo.

“Walaalkaasi dhintay ma qurux badneyn dilkiisa kadib in walaalo kake oo aan waliba aheyn kuwii danbiga geystay in loo dilo. Waxa ka dhacay deegaanka WAAL looma baahneyn”  ayuu yiri Nabadoon Ibrahim Garyare.

Sidoo kale waxaa uu ka digay abaabulada ka socda dhabad iyo Cabudwaaq kuwaasi oo salka ku haya isku hub urursi labada beelood ah. Taasi oo haddii aan la joojin wado u noqon karta dagaalo faraha ka baxa.

“Caabudwaaq iyo Dhabad midkasta waxaa ka socda abaabulo xiisadan la xiriira. Waxaana talo kusoo jeedinayaa abaabulkaasi dagaal in nabad lagu badelo”ayuu yiri Ibrahim Garyare.

Nabadoonkan ayaa ka mid ah raga magaca ku leh dadaalada nabadeed ee gobolada dhexe iyo deegaanka soomaalida Ethiopia halkaasi oo lagu arko isaga oo qeyv ka ah hishisiinta beelaha dirirtu ay dhexmarto.

Dhimashada ayaa illaa hada mareysa 4 qof oo uu ku jiro ganacsadihii xiisadu ka bilaabatay. Waxaana dhaawaca la sheegayaa inuu ku dhaw yahay 6.

Lama yaqaan sida xaal noqon doono inkastoo hadda dadaalo ay wadaan maamulka cabudwaq iyo odayaasha beesha Sade kuwaasi oo kulama la leh beelaha CELI iyo WAGARDHAC.