Soomaalida nawaaxiga Washington DC oo casho sharaf u sameysay FIQI

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool nawaaxiga Washington DC ayaa casho sharaf u sameeyey Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mudane Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo hore uga tirsanaa jaaliyadda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay si diirran u soo dhoweeyeen Wasiirka iyagoo ku ammaanay hawshii uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Mudane Faqi, wuxuu ka warbixiyey horumarka uu dalka ku tallaabsaday sannadihii dambe ee dhinacyo badan taabanayey isagoo aad u muujiyey rajo weyn inay ka jirto dalka iyo mutaqbalka Somalia.

Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay caqabadaha dalka ka jira oo uu sheegay in looga gudbi karo isku duubni iyo midnimo wuxuuna ku guubaabiyey Jaaliyadda inay taageeraan dalkooda, islamarkaana ay dib ugu laabtaan, si ay u maal gashtaan ama ay uga faa’iideeyaan aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda.

Ugu dambeyn, mudane Faqi wuxuu ka jawaabay su’aalo badan oo ay weydiiyeen jaaliyadda.

Sawirrada Kullanka

cas1cas2cas3cas4cas5cas6