Sawirro: Shariif Xasan oo Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageeray madax…

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka qeybgalayen wasiiro, xidhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana lagu taageerayay maamulka seddaxda gobal ee Koonfur Galbeed ee dhawaan lagu dhisay magaalada Baydhabo.

Sidda ka muuqata sawirrada kulan wuxuu ahaa mid lagu taageerayo madaxweynaha maamulka seddaxda gobal Maxamed Xaaji Cabdinuur, oo ay dhinaca Hooyada walaalo ka yihiin guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa muddo toddobaad ah ku sugan Muqdisho, waxaana ay kulamo la lee yihiin madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nick Key.

10291055_1482001782033460_268739272403080996_n

Mar loo eego wafdigan sidda loo soo dhaweenaayo iyo sidda loo buun buuninaayo waxaad moodaa in dowladda iyo QM ay taageersan tahay maamulkan seddaxda gobal.

Si kastaba, waxaa iyana Muqdisho ku sugan wafdi kale oo uu hoggaaminaayo Madoobe Nuunow Maxamed oo ah madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul oo iska soo horjeedo, dowladda ayaana ku weerartay balse arrimo ka waaweyn ayaa hadda dowladda ku soo furmay.

1377105_1482001765366795_713011890728916023_n

10390920_1482001768700128_1345076525576352307_n

10311823_1482001772033461_7145109312307797144_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com