Xog: Beelaha Habargidir oo loolan ugu jira xilkii Guuleed iyo Guuleed oo aan quusan si kalena usoo laaban kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo uu is-casilay wasiirkii amniga Soomaaliya Cabdi Kariim Guuleed, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxa uu hadda codsiyo ka qabanayaa shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Habar-Gidir oo xilkan doonaya.

Waxaa soo baxaaya warar is burinaaya oo sheegaya ninka qaban doono booska banaan ee Wasiirka Amniga Qaranka, beeshii uu ka imaan lahaa, maadaama ay Dowladdu ku dhisan tahay awood qaybsi xagga beelaha ah.

Mar sii horeysay waxaa soo baxaayay in uu soo noqon doono Wasiirkii Amniga ee xilka iska casilay, laakiin loo dhiibaayo Wasaarad kale, Wasaaradiisiina uu la wareegaayo Wasiirka Gaashaandhiga General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Inkastoo ay soo baxayn warar kale oo ka duwan.

Guuleed oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kana tirsan Damu-Jadiid ayaa olole ugu jira in wasaarad kale loo dhiibo, maadaama uu ku fashilmay tii amniga.

Wararkii ugu dambeeyay ee arrintaan ku aadan, ayaa sheegaaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu soo magacaabi doono shakhsi ka soo jeeda Beesha Sacad (Habargidir).

Taliyaha Waaxda Dembi Baarista ee CID General Saciid Axmed Kadiye, ayaa waxaa la sheegayaa in uu dadaal ugu jiro in loo magacaabo Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Soomaaliya.

Taliyihii hore ee nabad-sugidda Axmed Macallin Fiqi oo isna beesha Sacad kasoo jeeda ayay wararku sheegayeen in xilkan loo wado, balse waa uu beeniyey.

Sidoo kale beelaha kale ee Habar-Gidir, ayaa iyagana dadaal ugu jira wasaaraddan banaan sida Cayr iyo Saleebaan.

Madaxweynaha iyo beesha Saleebaan ayaa dhowaanahan isku fiicneyn, markii agaasimaha madaxtooyada laga qaaday Kamaal Guutaale, waxaana jira warar sheegaya in laga yaabo in xilkan uu ku xaal mariyo.

Sidoo kale beesha Cayr, oo dadaal u gashay xilkan markii loo dhiibayey Guuleed, ayaa rumeysan inay tahay markeedii.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayay ku xiran tahay go’aanka lagu soo magacaabaayo shakhsiga noqonaaya Wasiirka Wasaarada Amniga ee Soomaaliya, inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu kaalin ku lee yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com