27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Soomaaliya: Handaraab siyaasadeed oo salka ku haya khiyaano iyo awood-doon

By Abdul-kadir M. Ahmed
Bookmark
Bookmarked

Share

Hordhac

Qoraalkani waa turjumid kooban oo Af-Soomaali ah, ee buugga 48-da Xeer ee Awoodda. Waxaan si kooban u tilmaami doonaa sida ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu dhaqmaan fikradaha iyo xeeladaha lagu soo bandhigay buugga caanka ah ee “The 48 Laws of Power” ee uu qoray Robert Greene iyo 48da xeer oo Af-Soomaali ah.  Buuggu wuxuu si qoto dheer u eegaya xeeladaha ay adeegsadaan dadka doonaya inay helaan awood siyaasdeed iyo sida ay ku gaaraan. Buuggu wuxuu ku saleysan yahay taariikho dhab ah, khiyaanooyin casri ah, iyo sida loo xakameeyo ama loogu ciyaaro dareenka iyo maskaxda dadka.

Siyaasadda Soomaaliya, oo ay hadheeyeen kalsooni darro, isku dhac joogto ah, iyo hoggaan la’aan, waxay muujinaysaa sida xeerarkan loogu dabaqay si indho la’aan ah, iyadoo laga dhaxlo cawaaqibka xun mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Inta badan siyaasiyiinta Soomaalidu waxay adeegsadaan xeeladaha buuggan iyaga oo aan fahamsanayn, ama aan la akhrin istaraatiijiyadda iyo nuxurka dhabta ah ee ka dambeysa, taasoo keenta burbur, fowdo, iyo bulsho ku waalan siyaasado ay faham la’aani sal u tahay.

Xeerarka Awoodda – Turjumaad Kooban

  1. Waligaa Ha Shiiqin Sayidkaaga

Ka dhig kuwa kaa sarreeya inay dareemaan inay ka wanaagsan yihiin; ha muujin kartidaada si aanad u baqdin gelin.

  1. Kalsooni Badan Ha Ku Qabin Saaxiibadaa; Baro Sida Cadowga Loo Adeegsado Saaxiibkaa ayaa ku khiyaamayn kara, mid cadaawad hore idinka dhexeysay ayaa daacad kuu noqon kara haddii fursad la siiyio.
  2. Qari Ujeedadaada Dhabta ah

Dadku ha garan waayaan waxa aad damacsan tahay si aad u wareeriso.

  1. Hadalkaagu Ha Yaraado

Dadka awoodda badan leh hadalkoodu wuu kooban yahay; aamusnaantu waxay keeni kartaa in lagaa baqo.

  1. Sumacadu Waa Muhiim Ilaalinteeda Nafta ag dhig

Sumcaddaadu waa xudunta awooddaada; u ilaali si dhammaystiran.

  1. Soo Jeedi Indhaha Dadka, Qiimo Kasta Ha Kuugu kacdee Is-muujintu waxay la mid tahay
  2. Ka Faa’iidayso Dadka Kale Laakiin Adigu Qaado Amaanta Shaqada u dir dadka kale, natiijadana adigu sheego.
  3. Ku Qasab Dadka Inay Adiga Kuu Yimaadaan, Haddii Loo Baahdo U dhig Dabin Xakamee ciyaarta adigoo dejinaya shuruudaha.
  4. Guusha Ficil Ku Raadi, Hadal Ha Ku doonin

Dooddu waxay abuurtaa iska caabin; ficil ku muuji halkii hadal iyo dood aad geli lahayd.

  1. Ka Fogow Dadka Murugeysan ee Nasiibka Xun La dhaqan keliya kuwa ku dhiirrigeliya.
  2. Baro Sida Dadka Kuugu tiirsanaadaan

Ka dhig in adiga la’aantaa tahay khasaaro.

  1. Adeegso Daacadnimo iyo Deeqsinimo aad dooranaysid Si Aad U Seexiso Kuwo Aad Dhagraysid

Tus caddaalad iyo deeqsinimo si aad u qariso khiyaanadaada.

  1. Markaad Gargaar Dalbanayso, Ka Tus Dadka Dantooda, Ha Dalban In Naxariis

Laguu Sammeeyo

Dadku waxay wax u sameeyaan danahooda awgood.

  1. U Ekow Saaxiib, Laakiin U Shaqee Sida Basaas Xogta uruuri adigoo is qarinaya.
  2. Cadawgaaga Si Buuxda U Baabi’i

Hawl aan si dhammaytiran loo fulin, waxay keentaa aargoosi.

  1. Isticmaal Maqnaanshe Si Laguu Tebo

Mararka qaarkood maqnaanshuhu waa xoog.

  1. Ha U Ogolaan Dadka Inay Fahmaan Talaabooyinkaaga Noqo Mid Aan La

Saadaalin Karin

Odoris la,aantu waxay dadka ku abuurtaa inay cabsi dareemaan.

  1. Ha Noqon Kaligaa – Kelinimadu Waa Halis

Ku xirnow dadka si aadan u noqon bartilmaameed.

  1. Ogow Qofka Aad La Macaamileyso Ha u Gefin Qof Khaldan Dadka qaarkood waxay noqon karaan cadow khatar badan.
  2. Ha Isku Dhiibin Qof Kasta

Iska Dhig dhexdhexaad si aad u ciyaarto dhinac badan.

  1. Is Doqomee Si Aad Doqon U Qabato

Muuji doqonnimo si aad u ogaato gol-jilicda cadawgaaga.

  1. Isticmaal Taaktikada Is-dhiibka Si Awood Yarida Aad Ugu Rogto Awood

Is-dhiibiddu waxay keeni kartaa inaad hesho waqti ama naxariis laguu muujiyo.

  1. Awoodaada Ku Uruuri Hal Meel

Ha kala firdhin dadaalkaaga iyo awoodaada.

  1. Ciyaar Doorka Garsooraha Ugu Wanaagsan

Adeegso Diblumaasiyad iyo hadal macaan

  1. Naftaada Dib U Samee

Wanaaji muuqaalkaaga si aad ula jaanqaadid waqtiga.

  1. Ha Wasakheyn Gacmahaaga

U isticmaal dad kale inay kuu qabtaan shaqooyinka wasakhda ah.

  1. Ka Faa’iidayso Baahida Dadku U Qabaan Runta, Abuur Dad Kuu Raacsan Sida

Caqiido

Abuur mabda’ si aad dadka ugu xirto meesha ay higsanayaan.

  1. Qaado Tallaabo Geesinimo Leh

Labalabayntu waxay astaan u tahay tabar-darro.

  1. Qorshee Tallaabooyinkaaga

Ka fiirso caqabadaha iyo natiijada ka dhallan kara tallaabooyinka aad qaadayso.

  1. Ka Dhig Guulahaaga Kuwo Si Fudud Ku Yimid Qari dhibka aad ka soo martay guusha.
  2. Xakamee Fursadaha Isu Kala Daadi Si Aad u Dagto Si xirfadaysan ah u xadid ikhtiyaarada dadka kale.
  3. La Ciyaar Khiyaalka iyo Riyada Dadka

Dadku waxay jecel yihiin riyo iyo been macaan.

  1. Ogow Meesha Uu Qofku Ka Jilicsan Yahay Raadi meelaha laga jabin karo qofka.
  2. U Dhaqan Sida Boqor Si Laguu Tixgeliyo

Isku kalsoonaantaadu waxay keentaa ixtiraam.

  1. Baro Farshaxanimada adeegsiga Waqtiga Ku dhufo marka ku habboon
  2. Waxa Aanad Helayn Ha haybin, Ka Fogaanshaha waxaanad helayn Waa Aargoosi Ugu Wanaagsan

Ka hadalka wax aanad heli karin waxay muujinaysaa tabar-darro.

  1. Abuur Muuqaallo Qiiro Leh

Astaamo indho-daraandar leh ayaa qarin kara xaqiiqooyin adag.

  1. Sida Aad Doontid U Feker, Laakiin U Dhaqan Sida Dadka Kale Is qari si aad uga fogaato weerar.
  2. Walaaq Biyaha Si Aad Uga Kalluumaysato Abuur jahwareer si aad uga faa’iideysato.
  3. Ha Jeclaan Qado Bilaash ah

Hadiyaduhu waxay wataan xarko; ka digtoonow.

  1. Ka Fogow Inaad Gashato Kabaha Shakhsi Wayn oo Hore Soo bandhig kala duwanaansho iyo ikhtiraac.
  2. Weysha Gawrac, Dibbigu ha Quus Qaatee

Tirtir hoggamiyeyaasha si aad uga adkaato mucaaradka.

  1. Kasbo Quluubta iyo Maskaxda Dadka

Adeegso daacadnimo adigoo isticmaalaya hadallo qiiro iyo caadifad leh.

  1. Hubka ka dhig oo Ka Caraysii Adigoo sidooda Iska Dhigaya U ekow sida cadowga si aad khaladkooda u aragto.
  2. Ka Hadal Baahida Loo Qabo Isbeddel, Laakiin Ha Sameynin Mid Xad-dhaaf Ah Hal Mar

Isbeddel badan oo hal mar ah wuxuu keenaa iska caabin.

  1. Ha Iska Dhigin Qof Wada Wanaagsan

Xaasidnimo ayaa dhalata markaad u ekaatid qof aan qalad lahayn.

  1. Ha Dhaafin Bartilmaameedkii Aad Hiigsaneysay Guusha Dhexdeeda, Ogow

Goorta La Joogsado Iyo Halka lagu Joogsado

Isfidinta xad-dhaafka ahi waxay dhalisaa cawaaqib xun.

  1. Noqo Mid Aan Lahayn Qaab Joogto ah

Is banbaani si aad u badbaado, ad-adayga xad dhaafka ah waxaa laga dhaxlaa halaag.

Gabagabo

Xeerar aan la shaandhayn iyo siyaasiyiin aan damiir lahayn oo isbiirsaday waxay horseedeen burburka siyaasadeed ee Soomaaliya:

Siyaasadda Soomaaliyeed waxay si ba’an ugu dhacday dabinka “xeeladaha awoodda,” iyadoo la adeegsanayo khiyaano, cabsi gelin, iyo sumcad dilid si loo gaaro kursi iyo mansab, balse aan la eegin maslaxadda shacabka ama xasilloonida dalka. Waxaa nasiib darro ah in xeerar loogu talagalay baraarujin iyo feejignaan istaraatiijiyadeed loo adeegsado sidii qaanuun la isku halleyn karo, iyada oo aan laga fiirsaneyn waxyeellada mustaqbalka fog.

Waa in bulshadeennu barato oo ku baraarugto in awood aan damiir lahayn aysan waarin, xukunka iyo maamulka dawliga ahi uusan micno yeelan , lagana dhaxlo burbur, colaad iyo kalsooni-darro. Waxaa lagama maarmaan ah in jiilka cusub ay yeeshaan damiir, aqoon iyo aragti qaranimo, kuwaas oo awoodda ku raadiya hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.

Xeerarka awoodda waa in lala akhriyaa nuxurka iyo istraatiijiyada ka dambaysa laguna akhriyaa maskax furan, miisaan iyo damiir diimeed. Waana in lagu barrarugaa in ummadda diinteeda iyo dhaqankeeda loo ilaaliyo, si xeerarkani ugu noqon ummadda xadhigii lagu daldali lahaa. Ugu dambayn jiilka cusub waxaan ku baraarujinayaa in Siyaasi buuggaas tixraac iyo marjac u yahay, oo dal iyo dad aan muraad ka lahayn ku awr kacsan.

Abdul-kadir M. Ahmed
faandhe1@gmail.com

- Advertisement -

Read more

Local News