Soomaaliya horumar maxaa ka hortaagan?

Halkaan waxa aan Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdooda meeshii ay doonaan iyo heer kasto  oo ay uga jiraan masuuliyadda, ha noqdeen heer qaran, heer Maamul goboleed, heer Gobol iyp heer degmaba, iwm, ugu soo gudbinayaa in aan caado laga dhigan beddelidda degdegga ah ee adeegaha shacbiga lagu sameeyo asaga oo aan la soo saarin marka hore khaladaadka uu dalka iyo shacabka ka galay.

Laga bilaabo madaxweynaha qaranka, ra’iisulwasaaraha xukuumdda wasiirada saraakiisha ilaa laga gaaro qofka u shaqa taga Meesha ugu hooseysa howlaha Ummadda waa in la siiyo waqti ku filan oo uu ku caddeyn  karo awoodda uu u leeyahay in uu shaqadiisa ka adag yahay iyo inkale.

Waxa aan filayaa in baalantu ahayd qof kasta oo xil loo dhiibo in lagula xisaabtami doono laguna abaal marin doono wanaag iyo xumaan wixii ka soo baxa shaqadiisa.

Waxaa reeban oo aan qarannimada u khidmeyneyn in qof masuuliyad loo dhiibay laga diro howshii loo igmaday waqti yar kadib iyada oo aan lala xisaabtamin. Waxa su’aal ka imaaneysaa sababta xilka looga qaaday iayada oo aan la caddeyn qaladaadka uu sameeyay oo waliba aan lagu abaal marin wixii uu mudnaa.

Waxa kale oo iyaduna  ka soo horjeedda jiritaanka qarannimada in qof loo magacaabo shaqo uusan tartan u gelin, lana hubin in uu ehel u yahay iyo inkale  marka horeba.

Waxa aan aad ula yaabay markii aan arkay matal ahaan Guddomiyeyaashi kala dambeeyey ee Gobolka  Banaadir soo maray oo midwaliba cayriyey raggi la shaqeynay Guddoomiyihii asaga ka horreeyey, taa macnaheedu ma in ay wada xumaayeen baa todobaatameeyihii guddoomiye degmo ee la cariyey iyo masuuliyiin kale oo intaas ka badan, mase goddoomiye walba waxa uu keensadaa kuwa uu saaxiibada la yahay si ay asaga  wixii uu amro kaliya u sameeyaan oo aysan lahaan hal abuur ay  ku horumarin karaan degmada mar haddii aan aqoon iyo waaya aragnimo lagu soo xulin.

Halkaas waxaa Ummadda uga lumay raggii shaqeeyey ee khibradda u yeeshay wax yaabaha ka dhacayo Gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa iyo dalka guud ahaan. Waxa ayna ahayd in la kala sooco inta wax qabatay ay shaqada sii joogaan muddo ka badan inta ay hadda joogeen lana shaqeeyaan Guddomiyaha cusub si ay uga faa’iideeyaan khibradihii ay kasbadeen.

Dalka haddii loo rabo in uu hore u ruuqaansado waa in aan saxaabtinimo masuuliyadda qaranka loogu dhiibin qof aan aqoonteeda iyo khibrad loo markhaatikacay lahayn. Waxa aan talo ku bixin lahaa qof xildoon ah waligiiba Ummad ma anfaco ee waxa uu raadinayaa dan khaas ah, waxaana dhihi lahaa Dadka, dalka, iyo Diintaba ha loo turo oo Meesha halaga saaro YAA TAQAAN HANA LAGU BEDDELO MAXAA TAQAAN.

Mahadsanidiin

W/Q Dr. Inj. Axmed Cumar Calasow