Madaxweyne Farmaajo iyo faa’idadiisa dhalinyarada

Dhalinyaradu waa laf dhabarka umadd kasta, waana keydka dhabta ah ee ay haysato,taasoo haboon in si fiican loogu faa’ideysto. Bulsho kasta mustaqbalkeeda waxey ku xirantahay dhalinyaradeeda, ummada garata qiimaha dhalinyarada leedahay, waxey gaareysaa guulo badan oo dhinac walba leh, laakin ummadi iska dayacdaa waxey ku dhacdaa baa’ba iyo dabar go’.

Ololahii madaxweyne Farmaajoee doorashada, waxaa si weyn ugu dhex muuqanayay dhalinyaro si weyn ugu qeyb qaadanaya ololohiisa doorashada, kuwaasoo qabiil walba lahaa kana saacidayay madaxweynah inuu guul ka gaaro doorashada madaxtinimo. Markii uu Farmaajo kuu guuleysta, waxaa durbadiiba la arkayay dadka inta badan garbihiisa socday inay ahaayeen rag dhalinyaro ah. Wuxuuna dhamaantood madaxweynaha ku abaal mariyay inay dowladiisa xilal ka qabtaan, sida qaar noqday ilaaladiisa gaarka, kuwa la dhigay shaqaalaha madaxtooyada, iyo kuwa howlo kale ka haya dowlada.

Hadaba madaxweyne Farmaajo muxuu dhalinyarada kaga door biday odayaasha?

1)Dhalinyaradu waxay hayaan Tamar badan.

Dhalinyaradii dhalatay wixii ka danbeeyay 1980-kii waa kuwa u xiiso qaba inay helaan dowlad, maxaa yeelay ma aysan arag macaanka dowladnimo, sido kale waa kuwa jacel inay wax bartaan horumariyaan nafsadooda, waxay aad u xiiseeyaan shaqadooda waxayna jacelyihiin inay kasoo baxaan howsha loo diaray.

2)Waa kuwa ay ku yartahay qabyaalada.

Inta badan dhalinyaradii dhashay xilligii burburka, waa kuwa aan aad ugu xeel-dheereyn qabyaalada, marka laga reebo kuwo yar oo ay horjoogeyaal beeleed  ku owr kacsadaan, kuma xirna odayaasha beelaha, kamana talo qaataan, waa kuwa wax bartay lagana dhaadhicin karo waxa san iyo waxa xun.

3)Waa kuwa ku fiican Teknoloojiyada.

Dhalinyaradu waxay la amba qaadeen horumarka Internetka, telefoonada iyo dhamaan teknoloojiyada casriga ah ee dunida ka jirta, iyagoo kaga faa’ideysanaya caalamka iyo horumarkiisa, waa kuwa shaqooyinkooda si fudud u gudan kara iyagoo adeegsanaya teknoloojiyada casriga.

3)Saameynta baraha bulshada.

Baraha bulshada oo ay dadka ay afkaaraha iyo macluumadka isku weydaarsadaan ayaa marba marka kasii danbeysa noqonaya mid sii balaaranaya. Laga soo bilaabo ololihii madaxweyne Farmaajo, dhalinyaradiisu waxay ahaayeen kuwa si aad ugu dhex muuqaday baraha bulshada, iyagoon fariintiisa dadka gaarsiinayay, sidoo kale marki la doortay Farmaajo, dhalinyarada waxay u noqdeen gaashaan lagaga difaaco afkaaraha kaga imaanaya kooxaha mucaaradka iyadoo tusaale ay inoo tahay sida teegeerayaasha dhalinyarada dowlada Farmaajo ay saameyn ugu leeyhiin baraha bulshada marka loo eego kuwa mucaaradka.

4) Isku xirnaashaha

Xaqiiqda ayaa ah in aduunku uu u korayo si wada jir ah, dhalinyaraduna waxey u korayaan si wada jir ah, waxay ku leeyihiin saaxiibo dunida oo idil, taasoo wax weyn ka caawineysa in dhalinyaradaas ay fariinta dowlada ay gaarsiin karaan dhamaan dhalinta kale ee dunida dacaladeeda ku kala nool.

W/Q  Safaana Haji Ahmed
Email.Safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid