Axmed Madoobe oo ka hadlay arrimo maalmahaani muran uu ka taagnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu waxbadan ka bedelaayo is qabqabsiga dhulalka ee ka taagan deegaanada maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhulalka uu buuqa ka taagan yahay, waxa uuna cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku sameyn doonaan guddiyo.

Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu garab siin doono dadka dhibanaha ah ee lagu heysto dhulalkooda.

Madoobe, waxa uu farta ku goday in sidoo kale maamulkiisa uu soo dhaweynaayo dhismooyinka cusub ee kusoo kordhaya xaafadaha Magaalada Kismaayo, balse waxa uu carabka ku adkeeyay inay wax badan ka qaban doonaan isqabqabsiga la xiriira dhulka.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii dambe, bulshada degan Kismayo ay ka soo yeereysay cabasho badan oo ku aadan isqabqabsi la xiriirta dhulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com