Doorasho xasaasi ah oo maanta dhaceysa iyo Sanbaloolshe oo lagu dehggan yahay

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah ay magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada Kursiga xildhibaanimo Beesha Cali Madaxweyne ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Hay’ada Nabad-Sugida Somalia.

Sambaloolshe ayaa kursigan waayay kadib markii uu noqday taliyaha NISA, waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo.

Musharaxiinta la loolameysa Sambaloolshe oo gaaraya ilaa Shan musharax ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa sidoo kale gaaray Ergada kala dooraneysa musharaxiinta, halka Guddiga Doorashooyinka madaxabanaan ku sugan yihiin isla magaalada.

Guddigu waxa ay sheegen in doorashadu aysan dhaafi doonin 27/1/2018 oo ku beegan maanta oo sabti ah.

Guddiga ayaa sheegay in musharaxiintaas ay bixiyeen lacagaha laga doonaayay ee aheyd $5,000 kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Sanbaloolshe oo kursigan Xildhibaanimo ee beeshiisa ku guuleystay sanadkii 2016 ayaa mar kale u cad cad, hase ahaatee waxaa loolan kala kulmayaa Musharaxiin ay isku heyb yihiin, kuwoo horay uga soo muuqday xilal kala duwan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA KU TARTAMEYSA KURSIGA

(1)-Cali C/llaahi Cosoble  (2)-C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

(3)-Dahir Cabdulle Cawaale (4)- Nuur Iidow Beyle

(5)- Dahabo Xasan Axmed  (6)- Xuseen Axmed Geelle

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com