Itoobiya iyo Somalia oo wasiiro isku dhaf ah sameysan doonna

Muqdisho (Caasimadda Online): Labadd dal ee Somalia iyo Itoobiya ayaa yeelan doonna markii uggu horeysay koox wasiiro ah oo isku dhafan, sidoo kale odayaasha dhaqanka ee labadda dal ayaa la isku dhafi doonna sidda ay ku heshiiyeen wasiirka arimaha dibadda ee Somalia Axmed Cawad iyo midka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu oo ku kulmay Adis Abbaba.

Kulanka labadda Wasiir waxaa ka qeyb galay odayaal taas oo shaki badan dhalineysa, sidoo kale waxaa laggu heshiiyay in odayaasha Soomaaliddu ay si joogto ah u booqdaan Itoobiya iyadoo loola jeeddo is dhex gal.

Wasiiradda isku dhafka ah waxaa la sameyn doonna bisha March ee sanadkaan, xaruntooddu waxey noqon doontaa Adis Abbaba, waxey u kulmi doonaan si joogto ah.

Wali lagama heshiin Cidda hogaamin doonta wasiiradan la isku dhafaayo ee Itoobiya iyo Somalia, waxaa dad badan shaki ka qabaan ujeeddada rasmiga ah ee wasiiradan isku dhafan iyo waxa joogtada ah ee ay mar walba ka wadda hadli doonaan.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com