Daawo sawirro muujinaaya qaabka Muqdisho loogu dilay Shaqaale ajnabi ka tirsan Hay’adda UNICEF

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa manta magaalada Muqdisho lagu dilay Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNICEF ee ka howlgala xarunta Degmada Wadajir.

Dilka ninkaan Ajnabiga ah ayaa ka dhacay isla xarunta gudaheeda, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan dowlada oo dilka kadib gaaray halkaa.

Ninka la dilay oo Ajnabi ahaa ayaa wuxuu qaabilsanaa dhanka cunto karinta, waxaana dilkiisa ka dambeeyay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa waardiyaasha xaruntaasi.

Lama oga waxa ay isku qabsadeen ninka wax dilay iyo ninka la dila ee Ajnabiga ah iyo in sidoo kale dilkiisa uu ahaa arin shirqool ah oo horay looga shaqeeyay.