Mid kamid ah shaqaalaha Ajaaniibta UNICEF oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa duhurnimadii maanta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay nin Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda UNICEF.

Ninkaani ayaa la sheegay inuu kamid ahaa shaqaalaha Hay’adda u qaabilsanaa dhanka Cuno karinta, waxaana dhowr xabadood ku dhuftay mid kamid ah askarta Soomaalida ee ilaalada ka ah Xarunta.

Askarigaan Soomaaliga ah ee kamid ahaa ilaalada xarunta ayaa ilaa Seddex xabadood uga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana lasoo sheegayaa in ninkaasi la dilay uu kasoo jeedo dalka Kenya.

Askariga dilka geystay iyo ninka la dilay ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhexeeyay muran muddo ku dhow asbuuc soo jiitamaayay, waxaana xigay dilka.

Sidoo kale, dilka kadib waxaa goobta ka baxsaday Askariga dilka geystay, inkastoo Ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira dambiilaha dilka geystay.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan weli ka hadal dilka uu muwaadinkaan u geystay mid kamid ah Shaqaalaha Hay’adda UNICEF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com