Sawirro: Markab sida Hub kala duwan oo ku xirtay Dekada Barawe & Ciidamo farabadan oo isku gadaamay

Afgooye (Muqdisho)-Waxaa dhowr sano kadib Dekeda magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku xirtay Markab weyn oo ay la socdeen ciidamo.

Markabkaan ayaa la sheegay inuu siday Saanad Millitari, waxaana goortii uu halkaa ku xirtay isku gadaamay ciidamo kala duwan.

Ilo ku dhow dhow maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Markabkan uu Saanad Millitari u siday Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Markabka ayaa waxaa isku gadaamay Doonyo ay la socdeen ciidamo AMISOM kuwaa oo la xaqiijiyay inay sugayaan amniga Markabka.

Waxaa Dekadda gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Cali Aadan (Najax), Saraakiil Ciidan oo isugu jira kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim (Najax) ayaa sheegay in Markabkan uu saanad iyo sahay u sido Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baraawe