Wasiir hayay Wasaarad muhiim ah oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday allaha u naxariistee wasiirkii beeraha iyo waraabka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Allaha u Naxariistee Wasiir Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe) ayaa la sheegay in maalmihii u dambeysay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,isaga oo ka cabanayay cudurka Sonkorta( Macaanka).

Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe). ayaa sidoo kale waxa uu mar soo noqday wasiirka kaluumeysiga Puntland, waxaa kaloo uu mar soo noqday Madaxweynaha maamulka Khaatuma.

C/weli Gaas ayaa bishii Agoosto u magacaabay Beendhe wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasmada@live.com