Soomaaliya iyo 5 waddan oo kale oo Azerbaijan ku saxiixay…

Baku (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo shan waddan kale ayaa magaalada Baku ee ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay xeer cusub.

Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan ayaa Baku ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Xaruntan ayaa wax badan ka qaban doonta arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dowladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka.

Xaruntan ayaa ujeeddadeedu u weyni tahay in wax laga qabto caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada, si ay horumariyaan xirfadahooda shaqo.

Lix waddan oo xubin ka ah ururka oo ay ugu horreeyaan Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa saxeexay xeerka xarunta shaqada, intii uu socday kalfadhigani, taasi oo waddarta guud ee dalalka saxeexay ka dhigaysa 16 dal.

Dowlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay maanta saxeexdo xaruntan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay xaruntani qarankeena iyo bulshada Soomaaliyeed.