Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis cusub ku gaaray Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Muqdisho kaas oo muhiim u ah dadka ku dhaqan deegaanadii ugu dambeeyay laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

Heshiisan ayaa waxaa saxiixay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Al-Rumaithi, wuxuuna ku qotamaa qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay.

“Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraad-ka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay heshiiska kadib soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa yimid, kadib kulan mira-dhal ah oo ay wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo danjiraha Imaaraadka Carabta, kaas oo diiradda lagu saaray hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Safiirjka Imaaraadja oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka.

Sidoo kale wuxuu  si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee Hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Dhankiisa Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa uga mahaceliyay safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay muddada dheer a la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.