27.1 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Soomaaliya iyo Interpol oo afar qodob ka shaqeynaya + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Marrakech (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee booliska (Interpol), Axmed Naasir.

Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee INTERPOL HQ, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech ee dalka Morocco.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Interpol, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha soo socda:

  • La-dagaallanka dambiyada abaabulan
  •  Ka hortagga argagixisada
  • Is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah
  • Tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga ayaa uga mahad-celiyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isagoo muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee amniga, waxaana uu ballan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol ayaa ah mid ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee looga arrinsado amniga caalamiga ah, waxaana Soomaaliya ay ku yeelatay kaalin muuqata iyo dood wax-ku-ool ah.

- Advertisement -

Read more

Local News