25.2 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Soomaaliya iyo Itoobiya oo maanta wada-hadal cusub ku yeeshay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Suleiman Dedefo Woshe.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad iyo Danjiraha Itoobiya ayaa kulankooda waxaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo xoogga la saaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ayaa lagu caddeeyay in dhinacyadu isku raaceen baahida loo qabo adkaynta iskaashiga iyo kobcinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood ka dhaxeeya.

Kulanka ayaa yimid kaddib hadallo uu jeediyay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo, kaas oo ku dooday in ciidamadiisu aysan qayb ka ahayn dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Danjire Dedefo ayaa xusay in ay jiraan kooxo doonaya in ay si khaldan u muujiyaan dhacdadaas, iyagoo abuuraya dareen xiisadeed oo u dhexeeya labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu magacaabi doonto guddi farsamo oo baaritaan sameeya, si loo ogaado xaqiiqada ka dambeysa dhacdada, iyadoo labada dowladoodna horey uga heshiiyeen muhiimadda baaritaankaasi.

Gobolka Gedo oo haatan ay gacan ku hayntiisa isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ka dhacay dagaallo toos ah oo u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Itoobiya lagu eedeeyay inay qeyb ka noqotay xiisaddan, ayna la safatay maamulka Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News