25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Soomaaliya iyo Itoobiya oo maanta yeeshay wada-hadallo cusub kadib markii ay soo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta yeeshay wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, kadib khilaaf soo laab-laabtay oo mudda dheer u dhaxeeyay labada dhinac.

Kulanka ayaa dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timoteos, iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo ku sugan Itoobiya si uu uga qeyb galo Shirweynaha Tana ee looga hadlayo amniga qaaradda Afrika.

War-saxafaadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada dal ay isla garteen muhiimadda xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta joogtada ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hawlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in labada dowladood ay si wadajir ah uga hortagayaan argagixisada gobolka.

“Labada dhinac waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyagoo ku heshiiyay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah. Waxay mar kale adkeeyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro argagixisada gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna toddobaadyo ka hor booqday Itoobiya, safarkaas oo qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhisayo kalsooni cusub oo u dhaxaysa labada dal. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hoos u dhacay sanadkii 2024, kadib markii Itoobiya ay heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo ee isla sanadkaas.

Wada-hadalladan oo yimid xilli xasaasi ah

Wada-hadalladan ayaa yimid xilli maalmihii dambe soo ifbaxayso xiisad u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo salka ku haysa qorshe ay Dowladda Federaalka maamul cusub uga samaynayso gobolka soohdinta ku yaalla ee Gedo.

Sida aan hore u baahinay, muranka ayaa markaas hareeyay booqasho aan hore loo shaacin oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magaalada Addis Ababa.

Xasan Sheekh ayaa markaas la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, intii u dhaxaysay Axaddii, Oktoobar 12. Kulankan ayaa daba socday warar maalmo ka hor soo baxay oo sheegayay in Muqdisho ay dhaqaajisay “Qorshaha B” oo ay Gedo uga dhiseyso Jubaland cusub, kadib markii ay burbureen wadahadallo dib u heshiisiin ah oo kala dhexeeyay maamul goboleedkeeda Jubaland.

Ethiopia ayaa la sheegay inay qorshahan u aragto mid “halis ku ah amnigeeda qaranka,” sida ay ilo wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Soo-bixitaanka qorshahan ayaa murjiyay xiisad-dejin jilicsanayd oo jirtay. Bishii Diseembar 2024, labada waddan waxay kala saxiixdeen Baaqa Ankara, iyagoo ku ballanqaaday inay ixtiraamayaan “madaxbannaanida, midnimada… iyo wadajirka dhuleed” ee midba midka kale. Heshiiskaas ayaa ka dambeeyey xiisaddii ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Itoobiya ayaa 2,500 oo askari ku biirisay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo qaarkood jooga gobolka Gedo. Gobolka ayey Addis-Ababa u aragtaa in uu muhiim u yahay danaha amni ee qotada dheer ee ay ka leedahay xuduuddeeda, kuwaasoo hadda ka hor imaanaya dadaalka Muqdisho ee ah in ay maamul cusub ka dhisto.

Xiisaddu waxay billaabatay kaddib markii ay shantii bishii Oktoobar burbureen wadahadallo magaalada Kismaayo ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Burburkaas kaddib, hoggaanka Muqdisho ayaa ansixiyay qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo barbar socda Jubaland, kaasoo fadhigiisu noqon doono Garbahaarreey, oo ah xarunta gobolka Gedo, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan ayaa la soo sheegay inuu mas’uuliyiin u sheegay in wada-hadalladii Kismaayo ay ahaayeen “waddo xiran,” isagoo intaa raaciyay, “Waxaa dhammaaday xilligii maamullada aan dastuuriga ahayn.”

Is-diidooyinka Gedo

Itoobiya waxay si weyn uga soo horjeeddaa qorshaha Gedo, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Si ay u muujiso sida ay arrintan dhab uga tahay, Addis Ababa ayaa dhowaan saraakiil milateri iyo sirdoon ah u dirtay Doolow, oo ah magaalo xuduudeed Soomaaliyeed oo ka tirsan gobolka Gedo.

Khilaafkan ayaa salka ku haya loollan juquraafi-siyaasadeed oo intan ka ballaaran, oo ay ku jirto collaadda soo jireenka ah ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Ethiopia (GERD).

Madaxweyne Xasan wuxuu dhowr jeer safarro ku tagay Qaahira, waxaana warbaahinta gobolku ay ku andacootay in labada dal ay ku jiraan “dagaal wakiilnimo ah.” Ilo wareedyo ayaa ku doodaya in Muqdisho “ay doonayso inay gobolka Gedo ku wareejiso Masar.” Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan si rasmi ah looma xaqiijin.

Doorka Masar ee Soomaaliya ayaa sii kordhayay. Cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada Masar ayaa tababar soo dhammeystay bishii Ogosto 2025 si ay ugu biiraan howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaana jira warar sheegaya in Soomaaliya ay qorshaynayso inay ciidamadaas gayso gobollada xuduudda la leh Itoobiya, oo uu Gedo ka mid yahay.

Arrintan ayaa khad cas u ah Itoobiya, oo ay aad u xifaaltamaan Masar.

Dhinaca kale, Kenya ayaa sidoo kale xaaladda la socota kaddib markii ay guuldarreysteen dadaallo uu wafdi Kenyaan ah ku dhex-dhexaadinayay wadahadalladii Kismaayo, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Nairobi waxay muddo dheer ku tiirsanayd Jubaland iyo Madoobe si ay ugu noqdaan aag difaac ah oo muhiim ah oo ka celiya kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Tallaabo loo arkayay fariin loo dirayo Muqdisho, ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu wadahadallo gaar ah la yeeshay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, kaasoo Addis Ababa yimid saacado uun kaddib bixitaankii Madaxweyne Xasan Sheekh ee maalintii Isniinta.

Booqashada Cirro iyo qaabilaadda Abiy ayaa loo arkaa farriin ay Addis-Ababa u direyso Muqdisho, oo ah in ay dib u furi karto xiisadda heshiiskii badda, haddii Soomaaliya ku dhiirato qorshaha Gedo iyo soo daabulaadda ciidamada Masar.

Falanqeeyayaashu waxay kulammadan is-xigxigay u arkaan caddeyn muujinaysa diblomaasiyad sii xoogaysanaysa iyo isbahaysiyo is-beddelaya oo ka jira Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News