Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Jabuuti heshiis rasmi ah oo lagu kordhinayo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa metelayay labada dal Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.
Saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiisku uu qeexayo kordhinta ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka socda ee gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in heshiiska uu hagayo habraacyada shaqo, waajibaadka labada dhinac, iyo qaabka iskaashiga militari, iyadoo lagu dhisayo mabda’a wadashaqeynta iyo is-ixtiraamka.
Heshiiskan ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inuu muujinayo sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.
“Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka
Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada amniga iyo horumarka. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM waxay door muhiim ah ka qaataan nabad ilaalinta dalka.