Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaaray iskaashi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka, kuwaasi oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Millateriga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa looga wada-hadlay xoojinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, xili uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxdaasi, kuwaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Iyada oo la kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu fuliyey duqeyn ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo weerarayey ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya, meel u dhow degmada Buulobarde, oo qiyaastii 218 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, October 23,” ayaa lagu yiri bayaan xiligaas kasoo baxay AFRICOM.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda argagixisada bishii May.

Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo illaa hadda laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kooxda kala wareegeen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.