Sawirro: Dowladda oo ciidamo horleh ka dajisay Ceel Barde

Ceel Barde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo fara badan geysay degmada Ceel Barde oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo uu ka socdo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa diyaarado looga qaaday magaalada Baydhabo, ayada oo laga dajiyey degmada Ceel Barde oo ay ka howlgali doonaan.

Maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa askartan si weyn ugu soo dhoweeyey halkaasi, iyaga oo ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan loogu talagalay inay ka qayb qaataan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya halkaasi.

Ciidamada laga dajiyey Ceel Barde ayaa ku biiri doono kuwa deegaanka ah ee shalay lagu soo bandhigay degmadaasi, si ay u qaadaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa haatan u diyaar garoobeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka mid ah meelaha uu abaabulka ka socdo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Maalinba maalinta ka dambeysa ayaa waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka shacab ee ka socda gobolada dalka kaas oo ay guullo ka gaareen ciidanka dowladda & kuwa deegaanka.