Xasan Sheekh oo oo dalab u gudbiyey amiirka DALKA QATAR oo ay wada-hadleen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka la sameeyey Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka labada waddan.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale wadahadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee geeska Afrika.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Amiir Tamim Bin Hamad hordhigay dalab la xiriira gurmadka abaaraha iyo sidii ay uga qayb-qaadan laheyd xukuumadda Dooxa.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, walow uu isbedal ku yimid xiriirka labada dal, kadib doorashadii 15-kii May oo meesha laga saaray Farmaajo oo ay aad isugu dhowaayeen madaxda Qatar oo 5-tii sano ee u dambeysay taageereysay.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku soo aaday labo maalin uun kadib markii dowladda faderaalka ay sagootisay safiirkii Qatar ee Muqdisho, Xasan Bin Xamsa Haashim.

Isbeddalkan ayaa yimid, ka gadaal markii ay Qatar safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaas oo la yiraahdo Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi.

Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa weli ah mid wanaagsan, waxaana taliyaha NISA Mahad Salaad uu dhowr jeer safaro aan la shaacin ku tegay Qatar, si uu usoo celiyo taageeradii dowlada dalkaas ay siin jirtay hay’ada Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.