R/W Xamza oo soo saaray amar saameynaya golaha wasiirada iyo shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray amar culus oo toos ugu socdo wasaaradda maaliyadda, kaas oo sidoo kale saameynaya golaha wasiirada iyo shaqaalaha dowladda.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa faray wasaaradda maaliyadda in dhammaan xubnaha golaha wasiirada gunada ay qaataan laga jaro qoondo lacageed oo dhan 20%, taas oo soconeyso illaa muddo saddex bil oo xiriir ah, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska Xamza.

Sidoo kale qoraalkam ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha joogtada ee dowladda iyo kuwa aan joogtada aheyn ee darajadoodu tahay A iyaguna laga jarayo gunadooda 5%.

Dhammaan lacagaha laga jaro wasiirada & shaqaalaha dowladda ayaa loo weecin doonaan dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo guud ahaan waddanka.

Xamza ayaa sidoo kale faray wasaaradda maaliyadda inay furto akoon gaar ah oo loo adeegsan doono lacagahaas iyo taageerada loogu talagalay ciidamada huwanta ah.

“Waxaan idinka rajeyneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan aad iga howlgashaan arrimahan sare ku xusan,” ayaa lagu yiri amarka maanta ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha ayaa muhiim ah dhaqaajinta howlgallada xoreynta ee ka socdo dalka, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda & kuwa deegaanka.