Kooxda Xasan Sheekh ‘oo u kala jabtay’ Itoobiya iyo Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan khilaaf u dhaxeeya saraakiisha ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsan xiisadda ka dhex-oogan dalalka Itoobiya iyo Masar, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Itoobiya iyo Masar oo isku haya biyo-xireenka Nile ee ay sameysay Addis-Ababa ayaa dowladdii Farmaajo waxay si toos ah ula safatay Itoobiya, hase yeeshee dowladda Xasan Sheekh ayaan weli mowqifkeedu caddeyn oo aan dhinac jirin, sida wargeyska sheegay. 

“Mid ka mid ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, oo ah agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa xiriir qoto dheer la leh Masar. Wuxuu 2004 illaa 2012 ku noolaa Qaahira halkaasi oo uu arday ka ahaa balse xiriirka ayaa sii jiray tan iyo markii uu kusoo laabtay Soomaaliya 2012,” ayuu qoray Africa Intelligence. 

Booqashadii rasmiga aheyd ee Xasan Sheekh uu Qaahira u tegay July, waxaa ku wehliyey Mahad Salaad, halkaasi oo madaxweynaha uu kula lulmay dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-Sisi. 

Waxaa sidoo kale safarkaas qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macallin, kuwaas oo miisaan culus ku leh dowladda, aadna ugu dhow madaxweynaha.

Mahad Salaad, Jaamac iyo Xasan Macallin, ayaa sida wargeysku qoray taageersan in dib loola heshiiyo laguna dhowaado Masar, kadib markii uu riixay madaxweyne Farmaajo. 

Si ka duwan safarka Masar, oo deg deg ugu xigay kadib dib u doorashadiisa, madaxweyne Xasan Sheekh ayey afar bil ku qaadatay inuu booqdo Addis Ababa, wuxuuna ugu dambeyn tegay 28-kii illaa 29-kii September.

Safarka Itoobiya, waxaa Xasan Sheekh ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, oo loo arko inuu yahay wasiirka arrimaha dibedda ee dadban, wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo la-taliyaha madaxweynaha Aweys Xaaji Yuusuf. 

Saddexda nin, oo mas’uul looga dhigay inay abaabulaan safarkaas, ayaa doorbidaya in la joogteeyo xiriir xooggan oo lala yeesho Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, sida Africa Intelligence uu leeyahay. 

“Si kastaba waa koox yar oo laga tiro badan yahay,” ayuu qoray wargeyska.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa inuu doonay in Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka noqoto labada dal, balse waxaa la rumeysan yahay inay taas adkaan doonto marka la eego sida xubnaha ugu awoodda badan dowladdiisa ay labada dhinac ula kala safan yihiin.

Caasimada Online ayaa xiriir la sameysay Villa Somalia si ay uga jawaabto warbixinta Africa Intelligence balse kama aysan jawaabin codsigeena. Qeybta warfaafinta ee madaxtooyada ayaa wixii ka dambeeyey Farmaajo noqotay qeyb fadhiid ah, oo ay adag tahay in la helo lana socon xaaladda dalka iyo warbixinada ay warbaahinta ka qoreyso madaxtooyada, waxaynta kusoo koobantay kaliya inay soo saarto war-saxaafadeedyo.