Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Villa Soomaaliya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Bare, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Furitaanka shirka ayaa ku bilowday is arag hordhac ah iyo kala war qaadasho ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee waddanka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Madaxda ayaa sidoo kale ka wadahadli doonto arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta howlgallada ka billowday dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, gunaanadka shirka madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in ay si wadajir u soo saaraan war-murtiyeed ay kaga hadlayaan qodobadii ay ku gorfeeyeen shirka inta uu u socda, qodobka ugu weyn uu yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.