25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadahadlay Arrimaha horumarinta dhaqaallaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Wada hadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika,.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News