Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ah Qaahira ku dhex-maray wasiirka srrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar H.E. Dr. Badr Abdel Atty.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.
Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.
Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladoodiyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.
Sidoo kale waxay labada wasiir ka wada-hadleen dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex-maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.
Ugu dambeyntiina, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.
Waxa uuna xaqiijiyay inay dowladdiisa xoogga saareyso dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.
Horey madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka dhinacyada, iyadoo la isla gartay dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.