28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Soomaaliya iyo Masar oo Qaahira ku yeeshay wada-hadal xasaasi ah oo ku saabsan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Sameh Shoukry Abdelatty, iyagoo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka qayb-galka ciidamada Masar ee howl-galka AUSSOM, oo lagu taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahad-celiyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo xiriirka taariikheed iyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Sameh Shoukry ayaa ammaanay horumarka iyo isbeddellada muuqda ee Soomaaliya, isagoo xusay sida ay Masar uga go’an tahay horumarinta iskaashi istiraatiiji ah oo horseeda nabad iyo barwaaqo ka hanaqaada Geeska Afrika.

Wasiir Shoukry ayaa sidoo kale soo dhaweeyay dadaallada lagu diyaarinayo ka qayb-galka Masar ee AUSSOM, wuxuuna ku boorriyay beesha caalamka in ay maalgelin joogto ah ku taageerto howlgalkaas si loo xaqiijiyo guul waarta.

Dowladda Masar ayaa mar kale xaqiijisay garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo ku baaqday midnimo iyo wada-shaqeyn dhab ah oo dhex marta hoggaanka Soomaaliyeed.

Labada wasiir ayaa isku raacay in la adkeeyo iskaashiga dhanka amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka.

Ugu dambayn, waxay ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeynta dhow ee labada dal ee heer gobol iyo heer caalami, si loo xoojiyo nabadda, horumarka iyo xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u gaaray heshiis dhanka amniga, iyadoo labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen kadib heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaasi oo ay ku dooneysay Addis Ababa inay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo dhawaan ciidamo usoo diraysa gudaha dalka. Sidoo kale waxay Qaahira door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.

- Advertisement -

Read more

Local News