26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Soomaaliya iyo Qatar oo xoojinaya iskaashiga difaaca kadib kulan ka dhacay Dooxa

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Qatar, Sheekh Sa’uud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aala Thaani.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka difaaca ee Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo si gaar ah loo eegay horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista xirfadaha iyo qalabaynta ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda amni.

Intii kulanka uu socday, Wasiir Fiqi waxa uu muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii dardargeliso iskaashiga ay la leedahay Qatar, isagoo xusay in taageerada dowladda Qatar ay door muuqda ka qaadatay dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo dib u dhiska hay’adaha difaaca.

Dowladda Qatar ayaa dhankeeda mar kale xaqiijisay garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xiriira xasilinta amniga, tababarka iyo tayaynta ciidamada, iyo xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal. Wasiirka Difaaca Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu sii kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa saraakiil sare oo ka kala socday wasaaradaha gaashaandhigga ee labada dal. Saraakiishan ayaa ka qeyb qaatay wadatashiyo la xiriira sidii loo adkayn lahaa iskaashiga labada wasaaradood.

Si kastaba, kulanka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa wuxuu calaamad u yahay isfahamka sii kordhaya iyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo la rajeynayo in wada shaqeyntan ay si toos ah uga dhex muuqato sugidda amniga iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News