Riyaad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta kala saxiixday heshiis xasaasi ah oo ku saabsan dekedaha iyo gaadiidka badda.
Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Saleh bin Nasser Al-Jasser.
Heshiiskan iskaashi ee khuseeya arrimaha gaadiidka badda iyo horumarinta dekedaha ayaa qeyb ka ah dadaallo xooggan oo lagu xaqiijinayo danaha labada qaran ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ka dhaxeeya.
“Sacuudi Carabiya waa walaal weyn oo Soomaaliya garab ugu ah ilaalinta gobannimadeeda qaran iyo midnimadeeda dhuleed,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo saaray kadib saxiixa heshiiskan.
Heshiiskan ayuu sheegay inuu sahli doono kobaca dhaqaalaha, horumarinta dekedaha iyo gaadiidka badda, iyo sare u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta howl-wadeennada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha gaadiidka badda iyo dekedaha.
Heshiiskan cusub ayaa imanaya xilli dhawaan Soomaaliya iyo Sacuudiga ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaas oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii bil ee u dambeysay saxiixday dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee badda quseeya, taas oo door muhiim ah ka qaadaneysa xoojinta kalsoonida caalamiga ah, horumarinta ganacsiga badda, iyo ilaalinta danaha qaranka ee la xiriira kheyraadka iyo badqabka badaha.
Si kastaba, Sacuudiga ayaa u muuqda inuu isku dayayo buuxinta booska Imaaraadka Carabta, oo dhawaan Soomaaliya ay ka cayrisay gudaha dalka, sidoo kalena ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii hore loola galay.






