23.7 C
Mogadishu
Wednesday, January 7, 2026

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo waa cusub u baryay kadib tallaabadii …

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa haatan u baryay waa cusub oo ay ku xoojiyaan xiriirkooda, kadib tallaabadii ay qaaday Israa’iil oo dhawaan aqoonsi siisay maamulka Somaliland.

Labada dowladood ayaa haatan bilaabay inay si xawli ah kor ugu qaadaan xiriirkooda diblumaasiyadeed, iyaga oo isku muujiyay garab istaag, marka loo fiiriyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen labada dhinac.

Soomaaliya ayaa dhawaan taageertay hoggaaminta Boqortooyada ee ku aadan xasillinta dalka Yemen, iyada oo kala safatay dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay iyaduna si buuxda u taageertay madaxbanaanida Soomaaliya, iyada oo ka hortimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Sidoo kae, isbeddalkan xiriir ee dhacay todobaadkan ayaa suuragal ah inuu beddalo jihada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadan, sida ay ku warramayaan falanqeeyeyaasha ku xeeldheer arrimaha gobolka iyo Carabta.

Dhinaca kale waxaan haatan Riyaadh ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaliya, Cabdisalaam Axmed Cali oo kulamo ka wada magaaladaasi, waxaa sidoo kale ku biiri doono Taliyaha Nabad Sugidda ee Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo isna saacadaha soo socdo u duuli doono. Labada mas’uul ayaa hordhac u noqonaya wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tegayadalka Sucuudiga.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka safarkan uu la xiriiro kor u qaadista xiriirka labada dowladood, iyaga oo sidoo kale ka wada-hadli doono heshiisyo ay xoray u wada galeen Muqdisho iyo Riyaad, si loo fuliyo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa arrimaha laga wada-hadlo qayb ka ah in Boqortooyadu ay markii ugu horraysay gacan siyaasadeed siiso Soomaaliya, iyada oo miiska ay saaran tahay in Sacuudigu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya, si loo gaaro xal waara,

Si kastaba, ha’ahatee, Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News