Sana’a (Caasimada Online) Magaalada Sana’a ee xarunta dalka Yemen, waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlaayay garsoorka waddamada carabta, waxaana markii ugu horreysay 22-sanno kaddib ka soo muuqday shirkaan Soomaaliya.
Shirka oo shaley furmay, ayaa looga hadlay siddii loo horrumarin lahaa garsoorka waddamada carabta, waxaana gabagabadiisa laga soo saaray qoddobo muhiim ah oo loo baahan yahay in la hirgaliyo.
Shirka waxaa si weyn looga hadlay siddii wax looga qaban lahaa burbcad-badeednimada, lunsashada hantida qaramada iyo ka ganacsiga aadanaha, loona sameen lahaa maxkamad ay lee yihiin waddamada carabta.
Wasiirka cadaallada Soomaaliya, Cabdulaahi Abyan Nuur,oo saxaafadda kula hadlay Sana’a ayaa sheegay in markii ugu horreysay ay tahay oo Soomaaliya ay ka soo qaybgasho shirarka waddamada carabta.
Wasiirka ayaa sheegay Soomaaliya in lagu daray kursiga wasaaradda cadaalladda Carabta.
Waa shirkii 19-aad ee oo ay yeeshaan wasaaradaha cadaalladaha ee Carabta,waana markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay ka soo muuqato shirkan tan iyo burburkii dalka.
Shirkan laguma casuumi jirin dowladihii kumeel gaarka ee soo maray dalka Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka garsoorka iyo cadaaladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka

