Soomaaliya oo codsi cusub u dirtay IMF xilli uu dhow yahay waqtigii loo qabtay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF inay ilaa bisha December ee 2022 gaarsiiso taageerda maaliyadeed ee ay siiso Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Warqad uu u diray IMF oo ku taariikheysan 30-ka May balse la shaaciyey Talaadadii ayuu Beyle ku codsaday waqtigan dheeriga ah si barnaamijkan u gaaro hadafkiisa.

IMF ayaa bishii Febraayo ka digtay in taageerada maaliyadeed ee muddada saddexda sano ah oo dhan $400 milyan taasi oo qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Extended Credit Facility ay dhici laheyd haddii aan dalka dooran madaxweyne cusub kahor 17-kii May 2022.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la doortay 15-kii May 2022. 

Waxyar kadib, IMF ayaa shaacisay inay taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya ay ku dartay saddex bilood oo ay gaarsiin doonto illaa 17-ka August 2022, si muddadaas ay dowladda dib u eegis ugu sameyso isbedellada maaliyadeed ee qeybta ka ah deyn-cafinta Soomaaliya.

“Muddo kordhinta waxay waqtiga loo baahan yahay siin doontaa in la xaqiijiyo fahamka siyaasadda dowladda cusub iyo xaqiijinta damaanadda maal-gelinta ee saaxiibada horumarinta,” waxaa xilligaas sidaas tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata inay dhammaad ku dhowdahay saddexdii bil, oo dowladda ay u baahan tahay waqti kale oo dheeri ah.

Sida ku cad xeerarka barnaamijka iMF, deynta Soomaaliya ayaa hoos ugu dhici kartaa $557 milyan marka ay ugu dhowdahay sanadda 2023, sida ay Jaramilo ku sheegtay wareysi ay bishii Febraayo siisay AFP.

Tani waxa ay Muqdisho u ogolaan doontaa inay soo jiidato maal-gelin dheeri ah oo ay ka hesho saaxiibada caalamka, kana caawiso horumarinta qeybaha gaarka ah.

Soomaaliya ayaa la sheegay in 70% dadkeeda ay ku nool yihiin wax kayar $1.90 maalinkii, waxayna la xarbineysaa inay kasoo kabato tobanaan sano oo ah dagaal sokeeye iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay bil kasta ka gaabta $10 milyan oo ah miisaaniyaddeeda.