25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Soomaaliya oo dhaqaale culus loogu yaboohay.!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Ururka Midowga Yurub, ayaa waxaa lagu sheegay in Ururka uu dhaqaale dhan €29 milyan oo Yuuro ah ugu deeqayaan Dowlada Somalia.

Ururka ayaa warbixintiisa ku lifaaqay in dhaqaalahaasi loogu tallo galay in Dowlada Somalia ay u adeegsato arrimaha gar gaarka Somalia si looga hortago dhibaato ka dhalata barakaca iyo abaaraha ka jira Somalia Sanadkan 2016.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in tirro 5 Milyan oo qof ah ay u tabaaleysan yihiin gaajo iyo hooy la’aan kuwaasina ay u baahan yihiin inay garab ka helaan caalamka, Ururkana uu sidaa ku bixinaayo dhaqaalaha.

Yaboohan waxaa ku dhawaaqay uqeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’adamniada iyo maareynta Xasaradaha Christos Stylianides oo booqasho ka yimid Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in gar gaarkan ay midowga Yurub dabagal ku sameyn doonaan halka uu ku baxayo iyo in uu gaarayo dadka loogu talagalay ee danta yar.

Dhanka kale, Christos waxaa uu intaa ku daray in Lacagtan wax looga qaban doono arrimaha Cuntada, Caafimaadka, Biyaha, Nadaafadda, Hoyga iyo Waxbarashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News