Soomaaliya oo dib u celisay qaad ay dalka u soo wadeen ganacsato Kenyan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa shaaciyey inay ku hungoobeen soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii xalay laga xareeyay qaad ay usoo dhoofinayeen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli fasaxin qaadka Kenya in la keeno gudaha dalka, waxayna ganacsatada Kenya sheegen in soo celinta xiriirka kadib ay filayeen in qaadka ay usoo dhoofin karaan dalka, waxayna xalay qaad fara badan geeyeen garoonka diyaaradaha Nairobi.

Ganacsatada ayaa sheegay in qaadka ay geeyen garoonka laga xareeyay markii ay dowladda Soomaaliya diiday in qaadka lasoo geliyo caasimada, taasi oo la rumeysan yahay inay keentay tallaabadii ay maanta dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa aadaya.

Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatada qaadka oo la hadashay idaacada BBC-da ayaa sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray qaadka laga xareeyay, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa nagula yiri Soomaaliya iyo Kenya wey heshiiyeene khaadkiina soo rarta, garoonka diyaaradaha ayaan gaynay kaddibna khadkii waa nagala xareeyay, waxaana markii dambe nagula yiri Soomaaliya qaad dhulkeeda ka dagaayo malahan,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay sheegtay inaysan xiligan jirin cid ay kala xisaabtamaan, islamarkaana ay kala socdaan qaadka ay geeyeen garoonka diyaaradaha, kadib markii ay xareeyen ee lagu war-geliyay in Soomaaliya ay diiday in dhulkeeda laga dejiyo qaadka Kenya.

Waxay su’aal gelisay sababta ay dowladda Soomaaliya u fasixi weyday qaadka xili la dhameeyay khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal, waxayna walaac xoogan ka muujiysay xaalada ganacsatada qaadka oo dhaqaalo xumo wajahayay tan iyo markii dowladda ay joojisay in dalka loo soo dhoofiyo qaadkaas.

Caasimada Online ayaa ogaatay in qaadka ay ganacsatada Kenya rabeen inay usoo dhoofiyaan Soomaaliya ay is-hortaagtay dowladda, ayada oo la fulinayo go’aanka hore loogu joojiyey qaadkaas, waana sababta la fahamsan yahay inay Kenya ugu aar-gudatay maanta inay joojiso duulimaadyada dalka.