Soomaaliya oo diiday inay saxiixdo heshiis muhiim u ah ururka IGAD + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday inay saxiixdo xeer  is dhexgal ah oo uu garwadeen ka yahay urur goboleedka IGAD.

Xeerkan oo ay soo diyaariyeen waddamada ku bahoobay IGAD ayaa la xariira isu socodka dadka xoolo dhaqatada ah ee dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Wakiil dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa diiday inuu qalinka ku duugo heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu ay u baahan tahay fursad, si ay arrintan la tashi ugala soo sameyso maamullada dalka.

Sidoo kale waxaa xeerkan diiday inay saxiixdo dowladda Itoobiya oo iyadana ah dowlad federaal ah.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalbaday in la siiyo fursad dheeri ah, si ay wada tashi uga soo sameeyaan xeerkaasi.

Haddii la saxiixo xeerkan oo ay ku jiraan 32 qoodob oo b xasaasi ah ayaa u ogolaanaya dhammaan Xoolo dhaqatada waddamada IGAD in  ay u roob raaci karaan dalka uu roobka iyo daaqa xoolaha ka jiro, iyagoo ka gudbi kara xuduuda shuruud la’aan.

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ugu dambeyn la siiyey muddo labo bil ah, si ay uga soo fakiraan xeerkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com