26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Somalia oo Golaha Amaanka uga hadashay walaaca…

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya oo ku hadlaysay magaca dalalka A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku muujisay walaac ballaaran oo ku saabsan xaaladda murugsan ee Yemen iyo rabshadaha ka aloosan gobolka.

Warbaahinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay kororka iska horimaadyada u dhexeeya xoogagga Xuutiyiinta iyo dowladda Israa’iil, iyadoo Soomaaliya ay ku tilmaantay xaaladdan mid khatar weyn ku ah xasilloonida caalamka, ayna si dhow ugu xiran tahay dagaalka wali ka socda Marinka Qaza.

Dalalka A3+ waxay si adag u cambaareeyeen jebinta sharciga caalamiga ah, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro xabbad-joojin waarta oo wax looga qaban karo dhibaatada shacabka Falastiin iyo looga hortagi karo fiditaanka colaadaha gobolka.

Sidoo kale, A3+ waxay soo dhoweeyeen dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan dalalka Mareykanka, Masar iyo Qatar si loo xaqiijiyo heshiis rasmi ah oo xabbad-joojin ah oo Qaza laga hirgeliyo. Waxay Golaha Ammaanka ugu baaqeen inuu si buuxda u taageero dadaalladaasi si loo helo nabad waarta iyo wadahadallo miro dhal leh.

Dhanka kale, dalalkan waxay si kulul u dhaliileen weerarrada Xuutiyiinta ay la beegsadeen maraakiibta ganacsi ee maraysa marin-biyoodka Badda Cas, iyagoo tilmaamay in arrintaasi ay halis weyn ku tahay ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, duqeymihii Israa’iil ka fulisay magaalada Hudaydah intii u dhaxaysay 6–7-dii Luulyo ayaa lagu eedeeyay in ay khatar ku yihiin rayidka, ayna dhalin karaan fidin colaad cusub.

Dalalka A3+ waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, ayna ka fogaadaan in goobaha shacabka ay militariga ku faafaan.

Ugu dambayn, warbixinta ayaa iftiimisay xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii daraysa gudaha Yemen, iyadoo la xusay in cudurro sida duumada, dengue-ga iyo shuban biyoodka ay si xawli ah ugu fidayaan bulshada.

Soomaaliya ayaa markeedana taageertay baaqa OCHA ee ah in gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo dadkaas, iyadoo la fududeeyo marin u helka adeegyadii aasaasiga ahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News